Gudigii uu magacaabay Camey oo xubno hor leh iscasilay iyo Farmaajo oo eed loo jeediyay

Reading Time: < 1 minute

Nabadoon Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu iska casilay xubintii uu kaga magacownaa gudidaasi, waana shakhsigii labaad ee iska casila gudidii uu magacaabay Mr. Camay. Nabadoonka ayaa yiri marnaba ma abqabi doono in Garowe looga taliyi  Muqadishu. Waxa uu yiri “marnaba ma aqbali doono in Farmaajo iyo Kheyre ay ka arimiyaan danaha reer Puntland”

Axmed Aadan Carab oo mar wasiir ku xigeen kasoo noqday xukuumaddii madaxweyne Cadde Muuse AUN sidoo kale gudoomiye gobol kasoo noqday gobolka Cayn ayaa maanta isna magaalada Garoowe kaga dhawaaqay in uu iska casilay kasii mid ahaan shaha gudida xalinta khilaafaadka ee madaxweyne ku xigeenku magacaabay maalin ka hor, kadib markii uu sheegay in aanan lagala tashan magacaabista xilkaasi iyo in uusan Camay xaq u lahayn magacaabista xubnaha gudida khilaafaadka Puntland.