Gudigii Kheyre oo sheegay in 5ta Agoosto shir lagu qabanayo Dh/Mareeb

Reading Time: 2 minutes

Iyada oo  xaalada Galmudug ay wali cakiran tahay oo aan wax wadatashi ah sax ah  lala sameeynin shacabka, siyaasiyiinta iyo waxagaradka degaanka Galmudug ayaa Xasan Kheyre waxa uu maanta amar ku siiyay Gudigii Dib u Heshiisiinta ee uu magacaabay dhowr maalin ka hor in ay iclaamiyaan Shirweyne dib-u-heshiisiineed oo lagu qabanayo magaaalada Dhuusamareeb bisha Agoosto 5teeda.

Waxa wax lala yaabo ah in shir lagu sheegayo shirka dib u hesiisiin in lagu amro in beelaha Galmudug soo dirtaan shaqasiyaad lagu sheegay in ay ergo ka noqonayaan shirka kuwaas oo si gacan taag ah  looga ansaxin doono in ay sheegeen in beelahu Galmudug heshiiyeen ka dibna xildhibaano soo magacaabaan.

Ujeedaada Xasan Kheyre ka leeyhay shirka uu amray in la iclaamiyo ayaa ah in dooraashada Galmudug ee madaxweynaha la qabto  inta aan la qaban tan Jubbaland.

Talaabadaan ay ku dhawaaqeen gudiga uu sameeystay Xasan Kheyre ayaa sii kala fogayn doonta beelaha dega Galmudug iskaba daa in ay mamul ay heshiis ku yihiin dhistaan.

Qorshaga Xasan Kheyre ayaa ah sidan:

  • Shirka Dhuusamareeb waxa lagu burburinayaa gogosha taala magaalada Hobyo
  • Ergo ka kooban 350 qofood ah oo Kheyresoo xushay ayaa la isugu keenayaa magaalada Dhuusamareeb, ergooyinkaan ayaa waxa loo balan qaadayaa lacag iyo jagooyin hadii ay tagaan dhuusamareeb.
  • Ergooyinka ayaa dhowr cesho waxa loo soo bandhigayaa qoraalo horay loo soo diyaariyay kuwaas oo lagu amrayo in ay u codeeyaan
  • Ergooyinka ayaa qoraal loo diyaariyay ka aqrin doono madasha shirka Dhuusamareeb kaas oo ah in beelaha Galmudug heshiiyeen oo ayan jirin wax eed ah oo ay kala tirsanayaan
  • Odoyaasha dhaqanka ayaa la farayaa in ay soo magacaabaan xildhibaanomagacyadooda horay loo qoray oo iyagu lagu amri doono in ay ku dhawaaqaan
  • Waxaa ka dib la qabanayaa doorasho xildhibaanadaGalmudug soo doortaan Madaxweyne gacan kurimis ah oo ka tarjumaya danaha Villa Soomaaliya.

Waxa nasiib xumo ah  in Xasan Kheyre uu ku fakarayo xiligaan qabashada shir dib u heshiisiin oo been abuura, waxaase taa ka sii daran in arintaan ay hogaanka u hayaan koox isku sheegaysa in ay yihiin aqoonyano uu hogaanka u hayo Cabdiraxamaan Baadiyow.

Galmduug waxa ay u baahan tahay maha Shirweyne ergo la isugu keeno balse wada xaaajood hoose oo ku salaaysay dib u heshiisiin dhab ah oo ka tarjumaysa xaalad aadag ee ay ku jirto Galmudug.

Xasan Kheyre oo la waydiiyay sida ay suuragal ku tahay in uu ku meelmariyo qorshahiisa kor ku xusan ayaa yiri  “kuwa naga soo horjeedo laba maalin ayaa ay buuqayaan ka dibna waa iska aamusayaan, inta dhibka sheegaratana lacag ayaan ku kala fur furaynaa oo afartii asbuuc ee aan joogay dhulkaan waxaan ka baratay in reer Galmudug ayan lahayn wax caqiido ah oo aan  ka ahaynin beeso”.

Warsaxaafadeed:

[pdf-embedder url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2019/07/Warsaxaafadeedka-Guddiga-Dib-u-heshiisiinta.pdf” title=”Warsaxaafadeedka Guddiga Dib u heshiisiinta”]