Waxa maanta safar ku tagay magalaada Baydhabo gudi isugu jira Midowaga Afrika iyo Qaramada Midoobay kuwaas u kuur galayay xaalada Amni ee dalka ka jirta gaar ahaan Dowlad Goboleedyadda. Kulanka ay maanta ku tageen Baydhabo aya waxa ay kulamo la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo musharixiinta doorashada madaxweynaha ee la rajaynayo in bisha soo socoto 5teeda ka dhacdo magalada Baydhabo.
Ka dib markii ay dhagaysteen dhinacyadii ay la kulmeen aya gudiga waxa ay ugu baaqeeyn in dowladda Federaalka ay joojiso faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Hadlaka ka soo yeeray gudiga aya waxa uu dhawac ku yahay siyaasada ku dhisan burburtinta oo ay ku hayso dowlad Goboleedyadda.
Gudiga aya balan qaaday in ay taageero buuxda siin doonaa dowlad Goboleeldka Koonfur Galbeed gaar xikiga doorashada socoto.