Guddoonka Garsoorka oo ku baaqay in Xilka laga Qaado Gudoomiyaha Maxkamada Sare Maadaama uusan Khibrad u laheeyn(SAWIRO)

Reading Time: 2 minutes

Tan iyo Markii uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu Gudoomiyaha Maxkamadda sare usoo Magacaabay  Baashe Yuusuf Axmed waxaa soo baxaayay eedeeymo la xariira Aqonta shaqadaasi,taasi oo Dadka Qaarkood ay sheegeen in uusan Khibrad u laheeyn

Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa Garsoorayaasha  Maxkamada Sare ee dalka ahna la taliyeyaasha Guddoomiyaha Maxkamada Sare kulan ay  Maanta Ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxaa ay uga hadleen xaalada Jahwareerka ah ee uu lugaha la galay Garsoorka dalka

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  Ayeey ka Codsadeen in Maxkamada Sare uu u soo magacaabo guddoomiye Cusub, oo khibrad  u leh howlaha Garsoorka dalka,aan loo gelin Gefaf ka imaan kara dhinaca garsoorka

 Gudoomiye kuxigeenka Maxkamadda Sare Dr.maxamad maxamuud (Dr.luu) oo Goobtaasi ka hadlay waxaa uu xusay in ay garan layihiin qaab ay ula shaqeeyaan Gudoomiye Baashe Yuusuf Axmed islamarkaana ay madaxweeynaha ka codsanayaan in uu deg deg usoo magacaabo shaqsi khibrad uleh adeegga Garsoorka

Kolkii lasoo  Magacaabay Baashe Yuusuf Axmed oo ka mid ahaan jiray Xubnaha Xisbigga Mucaaradka ah Ee Wadani ee ka dhisan Maamulka Soomaaliland waxaa soo baxaayay eeydamahaan iyo in uu ku fashilmi doono howsha garsoorka Maadaama uusan Khibrad u laheeyn