Gudigga Farsamo ee Gal-mudug oo war soo saaray !

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa ka hadlay warar sheegayay in faragalin lagu sameeyay Odayaashii soo xuli lahaa Xildhibaanada Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha oo warbaahinta kula hadlaayay magaalada dhuusmareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in  odayaasha aan lagu samayn wax faragalin ah, waxaa uu sheegay in nidaam sax ah loo maray ayna yihiin odayaashii soo dhisay maamulkii hore ee waqtigiisu dhammaaday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay baddaleen seddex ka mid ah odayaashii hore kuwaasoo uu sheegay in ay u mareen baddaliddooda nidaaamka  sax ah