Home Wararka Gudigga Difaaca oo sheegay in Gudi loo saaray Weerarkii Hotel Saxafi

Gudigga Difaaca oo sheegay in Gudi loo saaray Weerarkii Hotel Saxafi

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu xildhibaanno ah u magacaabay baaritaanka weerarkii Qaraxyadii 9-kii bishan lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Guddoomiyaha Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarka uu geystay dhibaatooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed, loona adeegsaday dareyskii cusbaa ee ciidamada xoogga dalka.

Xildhibaan Cuseen Carab Ciise Guddiga ayaa baaritaanka weerarka u magacaabay afar xildhibaan oo ka tirsan Guddiga difaaca oo ay ka mid yihiin: Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal iyo Cismaan Cilmi Boqorre.

Lama oga sharci ahaanta sida guddi ka tirsan Baarlamaanka uu guddi kale ugu magacaabi karo xaalad amni, waxaana isbarbar yaac weyn ka dhex jiraa xildhibaannada Baarlamaanka oo qaarkood ay sheegteen in weerarka loo qorsheeyay in lagu dilo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!
error: Sorry Lama ogola in aad daabacatid
%d bloggers like this: