Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Koonfur Galbeed Oo Maanta La Magacaabay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga doorashoyinka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la magacaabay waxayna ka kooban yihiin 15 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Guddiga ayaa waxaa Magacaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Shiikhuna.

sikastaba ha ahaatee doorashada maamulka koonfur galbeed soomaaliya ayaa la filayaa iney dhacdo bisha soo aadan iyadoo maalmihii u danbeyay musharixiinta isbedel doonka ah ay baarlamaanka maamulkaasi ka codsanayeen in si dag dag ah loo magacaabo gudiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha koonfur galbeed.