Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka oo u markhaati furay Farmaajo, New York!

Reading Time: < 1 minute

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha ee Soomaaliya oo ah hay’ad ka madax banaan dowlada Fedaraalka oo ay ku jirto xukumada ayaa waxa ay isku badashay hay’ad qayb ka ah xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiyaha gudigaas Xaliima Ibarahim  (Xaliima Yareey) oo mas’uliyadeeda ahayd in ay dhexdhexaad ka noqoto howlaha doorashada ayaa waxa ay hada si toos ah ugu biirtay xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyada oo qayb ka noqotay abaabulka qorshaha xili kororsiga damaca kaga jiro Madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa.

Xaliima Yareey ayaa qayb ka ahayd wafdiga MW Farmaajo ee ka qayb galay shirka  Qaramada Midoobay ee ka dhacay  magaalada New York. MW Farmaajo ayaa u kaxeeystay Xaliima Yareey in ay ugu markhaati furto qoryaashiisa  ka fog xaqiiqda ka jirta dalka Soomaaliya.

Xaliima Yareey ayaa waxa looga bartay in ay la safato cidkastaa oo ay ka heli karto danaheeda gaarka, ha noqoto mid dhaqaaale ama  dano kale oo gaar u ah iyada.

Waxaa muuqata in gudigii lagu sheegay in uu yahay mid madax banaan  uu isku badalay hay’ad laga maamulo xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Xisbiyada iyo musharaxiinta rajada ka qabo in gudigaas u sinaado shacabka Soomaaliyeed waa ay lunsan yihiin.

Waxaa nasiib xumo ah in Xaliima Yareey shirarka ay ka qayb gashay dhamaantood ay ugu marqaati furtay Madaxweyne Farmaajo  qorshahiisa doorashada.  Baarlamaanka oo la la filayo in la furayo horaanta bisha soo socoto waxaaa la gudboon in ay dib u eegis ku sameeyaan gudiga madax banaan  ee doorashooyinka iyo hogaanka gudigaas.