Waxaa goor dhow furmay kulanka guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa kulanka shir guddoominaya.
Ajendaha kulanka ayaa ah mudeynta dib u furida kulamada golaha, dejinta ajendayaasha golaha shacabka iyo warbixinta dhismaha cusub ee xarunta KMG ee Golaha Shacabka ee laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa.