Gudiga Dorashada Gudomiyaha Golaha Shacabka oo War Cusub Kaso Saaray Doorashada Dhici Doonta

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho aya dhawan marti galin doonta dooorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyado shacabka Soomaaliyeed ay ka war dhoow rayaan cida kuso bixi doonto Doorashadaasi,waxa ayna shacabka Soomaaliyeed ka cabsi qabaan in doorashadaasi uu kuso baxo shaqsi ay wadato Xukuumada ama Musharaxa Xafiiska Farmaajo maadama ay Musharaxiin danahooda ka shaqeya ay wataan.

Nuur Iidow Beyle oo ah guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay kaliya kor joogto ka noqon doonaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey.

Ilaa 11 Musharax oo dhammaantood Xildhibaano ah ayaa Isniinta soo socota ku tartami doona doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu baneeyey Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!