Gudiga Doorashooyinka Qaranka oo soo dhaweeyay gudigii shalay la magacaabay

Reading Time: < 1 minute

Gudiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddi uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxaman, kaasi oo ahaa Guddi ka shaqeeya Dhaqdhaqaaqyada Doorashada Qaranka ee Soomaaliya.

Xalimo Yareey oo ah gudoomiye u ah gudiga  ayaa sheegaty n in ay soo dhaweynayso, islamarkaana ay taageersan tahay guddiga uu magacaabay R/wasaare Xasan Cali Kheyre. Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan ayaa shalay magacaabay Guddi ka kooban 15 xubnood oo ku meelgaar ah oo soo diyaariya sharciga doorashada.