Gudiga doorashooyinka oo sheegay in aan marnaba la ogolaan doonin waqti kororsi

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo maalintii shalay ahayd xukumadda   ansaxisay  sharciga doorashooyinka ayaa waxa ka dhashay doodo la xiriira qodobo ku qornaa sharciga kuwaas oo dowlada u ogolaanayay in ay waqti kororsi sameeyn karto.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa ka hadashay Sharciga doorashooyinka oo Khamiistii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.Siyaasiyiin, qaar ka mid ah Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Xisbiyada

Siyaasadeed ee dalka ayaa si wadajir ah waxa ay uga soo horjeesteen Sharciga Doorashooyinka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in doorashada Soomaaliya ay ku dhaceyso waqtigii loogu talo galay loona qorsheeyey, waxaana ay ugu baaqday Dowlad Goboleedyada inaysan muujin walwal ku aadan in Madaxda hadda joogta ay sameystaan waqti kordhin.

Gudiga doorashooyinka ayaan laga aqoonsanaynin deegano ka tirsan dalka taas ayaana awooda gudi doorasho ahaan xadideyso. Hadalka ka soo yeaary xaliima yareen waxbadan kama badalayo dareenka ay dowlad goboleedyadu ka  qabaan sharicga doorashooyinka,