Gudiga Doorashooyinka Golaha Shacabka oo ku kala qaybsamay Xildhibaanada ka qayb-galaya doorashada

Reading Time: < 1 minute

Lix xubnood oo kamid ah 10kii xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Golaha shacabka oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka soo horjeestay in Xildhibaanadii lagu soo doortay  Ceelwaaq ka qaybgalaan doorashada la fiayo inay berito ka dhacdo xerada afesyooni.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Golaha Shacabka  Cabdirizak Cumar ayaa ka soo horjeestay hadalka ka soo yeeray xubnaha gudigiisa. Gudoomiyaha ayaa sheegay in uusan wax war ah ka haynin shirka jaraa’id isla markaana aan isaga lagala tashan.

Si kastaa ha ahaato doorashada berito ayaa laga yabaaa in ay baaqato ama ay ku dhamaato fashil