Waxaa xalay lagu dhawaaqay Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed,iyada oo waxka yar todobaad ay ka harsan tahay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in Diiwan galinta musharaxiinta ay bilaabaneyso 22- Bishaan kuna egtahay 23 bishaan.
Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in Hadal jeedinta musharaxiinta ay tahay 25 bishan.
Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay dhacdo 28 Bishaan oo ku beegan Arbacada soo socota.