Gudiga Doorashada KG oo iscasilay iyo ciidanka Itoobiya oo sheegay in amnigooda balan qadayaan

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta is casilay gudiga Doorashada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, qoraalka ay soo saareen Gudiga ayaa ay ku sheegeen in dilkii maanta iyo amaan dari balaaran oo ka jirta degaanka ayan shaqadooda gudan karin. Dhanka kala Ciidamada Itoobiya aya iyagana sheegay in ay doonayaan in ay la wareegaan amniga gudiga.

Ciidanka Itoobiya ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay la wareegayaan amaanka Gudiga Doorashada Koonfur Galbeed. Talabadaan ayaa waxa ay ka dhigaysaa Gudiga kuwa la haystayaal ah oo aan go’aan madax banaan ka gaari karin doorashada la sheegay in la qabanayo asbuuca danbe.

Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa qaba in ayan doorasho xalaal ah ka dhici karin deegaanka Koonfur Galbeed taas oo ay sabab uga dhigayaan in gudiga yahay  mid la hayste ay  ay ku shaqaysato dowlada Itoobiya.

Maanta ayaa lagu dilay magalada  Baydhabo Xildihibaan isla markaana ahaa Gudoomiyaha Gudiga Amniga taas oo loo eedeynayo in ay lug ku leeyihiin ciidanka Itoobiyaanka ee jooga magaalada Baydhabo. Waxaana muuqata in gudiga ay iyagu ka hor dhaceen codsiga ka ka yimid ciidamada Itoobiya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!