Gudiga Doorashada Jubbaland oo sheegay in howlahooda shaqo ay si habsami ah u socdaan

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre  oo la hadlay saxaafadda ayaa ka hadlay guud ahaan geedi socodka doorashada Jubbaland, gaar ahaan  warqaaqo kala duwan oo shalay ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Xafiiska Wakiilka Gaarka ah Qaramada Midoobay mudane James Swan.

Xamza Cabdi ayaa ku dheeraad qaabka ay u dhaxaday in doorashadii Kismaayo  waxa uuna sheegay in ay si cadaalda ah u dhacday. Xamza oo ku hadlaya maga gudiga ayaa sheegay in wax dor ah ayan uga banaanayn dowlada Fedaraalka qabashada doorashada Jubbaland.

Isaga oo arintaan ka hadlayana waxa uu yiro“Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada”.

Isaga oo ka hadlaya qoraalka ka soo gaaray xafiiska James Swan waxa uu yiri “Horta Beesha Caalamka Talo ayey leedahay dadka Soomaalida ah amarna kuma laha Soomaaliya waa dowlad xor ah oo madax banaan Soomaalidana iyagaa laga rabaa iney heshiiyaan oy wada hadlaan, dadka Sooamalida ah waa iney ogaadaan doorka beesha Caalamka waxa uu yahay”.

Maalinta Khamiista ayaa lagu wadaa in doorashada Jubbaland ee madaxweynaha ay ka dhici doonto magalaada Kismaanyo iyada oo shalay la doortay gudoonka Baarlamaanka Jubbaland.