Gudiga Doorashada Jubbaland oo sheegay in Doorashada waqtigeeda ku dhici doonto

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Jubbaland oo dhawaan la magacaabay, ayaa maanta shir jaraa’id ay qabteen ay ku fahfaahiyay halka ay wax marayaan iyo shaqooyinkii u qabsoomay muddadii uu guddigu jiray. Waxa ayna sheegeen in gudiga diyaar u yahay dardar galinta howlaha doorashooyinka.

Guddiga ayaa soo saaray qodobo dhowr ah, waxayna sheegeen in doorashadu wakhtigii loogu talagalay ku qabsoomi doonto, iyagoo sidoo kale farriin u diray Baarlamaanka maamulkaasi Jubbaland, taasi oo ku aaaddan in ay Magacaabaan Guddi doorasho heer Baarlamaan si ay u fududaato howsha Doorashadu.

Gudiga ayaa sidoo kale  fartiin u direen musharxiinta doonaysa in ay u tartamaan kuraasta aqalka sare, Waxaana loogu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashda.

Hoos ka akhriso Qodobada

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!