Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka JFS oo lamagacabay

Reading Time: < 1 minute

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa durbo markii xilka Guddoomiyaha loo doortay magacaabay Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamuud Siyaad Barqadle ayaa lagu magacaabay Guddiga Doorashada oo ka kooban 9-xubnood, waxaana Guddoomiye loogay Xildhibaan lagu magacaabo Yuusuf Sheekh Xasan Macalin.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii ay u dhici laheyd Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen, iyagoo Guddiga yeelan doono kulamo.

Guddoomiyaha Rafcaan Hirshabeelle ayaa Maanta si rasmi ah u dhaariyay Xildhibaanada uu yeeshay Baarlamaanka Mamaulkaas, waxaana Munaasabada dhaarinta ay ka dhacday Magaalada Jowhar.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Maxamuud Siyaad Barqadle u doortay inuu nqodo Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, kaasi oo ah Ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Maamulkaas, isagoona aqbalay xilkaas.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga Doorashada ee la magacaabay.