Gudiga Doorashada Aqalka Sare ee Galmudug oo hogaan cusub doortay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga loo xilsaaray qaban-qaabada  doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Caawa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Doorashada caawa waxaa goobjoog ka ahaa  12-xubnood kuwaas oo uu galabta magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa durbo doortay Guddoon iyo Xoghaye. Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan Cabduwahaab Maxamed Axmed halka ku-xigeenkiisa loo doortay Xildhibaan Cabdirixiin Axmed Cigaal, waxaana sidoo kale Xoghayaha Guddiga ayaa loo doortay Xildhibaan Yaasiin Maxamed Cabdiraxman.