Gudiga Amniga Maamulka Jubbaland Oo Shir Uga Furmay Magaalada Kismaayo

Reading Time: 2 minutes

Magalada Kismaayo ee Xaruna Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka furmay shirka Billaha oo ay yeeshaan bishii mar Guddiga Amniga ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa Amniga,iyada oo ay isku-xog wareestaan Hay’adaha Amniga Maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,waxaana goobjoog ka ah Saraakiisha Ciidamada Amniga Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Kismaayo.

Gaba gabada Shirka ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobo ku saabsan amniga iyo howlgalladii ugu dambeeyey ee Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Maamulkaas.