Labo cesho ka hor ayay ahayd markii Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka ay kulan la yeesheen Wasiirka Arminaha Dibada ee dowlada Fedaraalka Axmad Ciise Cawad.
Qaar ka mida Gudiga ayaa horay u sheegay in warbixin ka dhagaysteen wasiirka, hadlada wasiirkana ay ku qanceen taas oo dad badan ugu muuqatay in gudiga Arimaha Dibadadda ay la kulmeen Wasiir Caaad iyaga oo aan haysanin xog iyo warbixin ay sal uga dhigaan su’aalahooda.
Hadaba qaar ka mida Xildhibaanada la kulmay wasiirka ayaa sheegay inay ku qanci waayeen jawaabihii uu bixiyay Wasiirka.
Guddiga Arrimaha Diabdda ayaa hadaba sheegay inay ku qanci waayeen jawaabaha su’aalo shalay ay weydiiyeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad, kaasoo wax laga weydiiyay saameynta Qatar ee Soomaaliya iyo warbixintii ay qortay New York Times ee ahaa in Qatar ku lug leedahay qarax ka dhacay Boosaaso.
Xildhibaanada ku qanci waayay hadlalka wasiirka waxaa ka mida Maxamed Xasan Idiris oo sheegay in Wasiirka ay weydiiyeen su’aalo guud iyo su’aalo gaar ah, gaar ahaan warbixinta New York Times ee ahaa in Qatar ku lug leedahay falal ka dhacay Boosaaso.
Wasiir Cawad waxaa uu sheegay in su’aalihii ay weydiiyeen Wasiirka aanu si fiican oo lagu qanci karo uga jawaabin, sidaas darteed ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka ugu yeeri doonaan, si hortooda ugu jawaabo su’aalaha ay qabaan guud ahaan Xildhibaanada.