Gudiga Doorashada Puntland oo lameel mariyay iyo Dhooba Daareed oo guluf Dagaal wada

Reading Time: < 1 minute

Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa waxaa la hor geeyay Golaha Wakiilada maamulka Puntland oo iskugu yimid kulan koodii ugu horeeyay tan iyo markii ay doorteen guddoomiyaha cusub.

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh kumeel mariyay gudiga lahor keenay waxaana looga fadhiyaa Gudigaa in ay qabtaan howlo farabadan  oo Gudiga horyaala.

Geesta kale waxaa lasoo sheegayaa in weli ay xaalad kacsanaan ah kataagantahy Deegaandii uu gaaray Gudoomiye Dhooba Daareed waxaana lasheegayaa in Gudoomiyuhu halkaa uu kawdo abaabul Dagaal.

Odayaasha Dhaqanka Puntland ayaa waxa ay wadaan in Waan waan lakala dhex dhigo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Gudoomiye Dhooba daareed oo xilkiisii kuwaayay kilaaf  kala dhexeeyay Deni.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!