Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow m ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir , waxaana xilkaasi loo magacaabay Guddomiye usub.
Maxamed Abuukar Jacfar ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Deyniile sida ay sheegayaan warar soo baxaya, iyadoona xilka qaadis lagu sameeyay Cabdi wali Nuur Farax oo mud lix bil ah Maamulayay degmada Deyniile.
Jacfar ayaa horay usoo noqday Guddoomiyihii degmada Halwadaag, waxuuna sidookale noqday Taliyiha Ciidanka xasilinta Caasimada ee uu dhawaan kala diray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Sidookale waxaa jiraa wararkale oo sheegaya in degmooyin dhowr ah laga yaabo in isbadal maamul lagu sameeyo.