Guddoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Mooshin in uu golaha hor yimaado Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa loo gudbiyay Mooshin loogu yeerayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu hor yimaado golaha Baarlabaanka JFS.

Mooshinka aay saxiixeen Illaa 23 Xildhibaan mooshinkaas oo lagu dalbanayo inuu Ra’iisul Wasaaraha uu horyimaado Baarlamaanka muddo 72 saacadood gudaheed ah.

Xildhibaanada qaar ayaa MOL sheegay in Guddoonka ay ka codsadeen in Xildhibaanada Mooshinka saxiixay la siiyo waqti ay kaga soo baaraan dagaan oo loogu soo daro soo jeedintaas ajandaha Baarlamaanka kalfadhiyada soo socda usbuuca danbe

Xeer hoosaadka Golaha shacabka qodobkiisa 72aad ayaa dhigaya in 10 Xildhibaan aay soo jeedin karto in uu golaha horyimaado Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo aan cod loo qaadin.

Qoraalka loo gudbiyay guddoonka ayaa u qornaa sida hoose.

Ujeedo: U yeerid Raisul Wasaaraha XFS si wax looga waydiiyo arrimaha amniga dalka

“Mudana Guddoomiye annagoo ah xildhibaanada hoos ku saxiixan, gudanaynana waajibaadkeena dastuuriga waxaan u yeeraynaa Raisul Wasaaraha XFS, si aan suaalo uga waydiino xaaladda guud ee amniga dalka iyo midda caasimadda.

Mudane Guddoomiye sida uu qabo qodobka 69aad ee Dastuurka, farqadiisa 2aad xarafka (c) iyo si waafaqsan qodobka 72aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka, Golaha waxaa uu yeeri karaa ra’iisul wasaaraha iyo Golaha wasiirada. Golaha Shacabka Federaalka waxaa uu awood u leeyahayin uu dib u eegid ku sameeyo xilka masuul kasta ee aqbali waayo u yeeridda golaha shacabka ee Federaalka.