Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Md Cadde Gaabow oo dawladda iyo Dhammaan Sahcbiga Somaliyeed digniin adag u diray.

Reading Time: 2 minutes

Gud. Cadde oo ka hadlayey xaflad lagu caleema saarayey Cabdinuur Axmed Diiriye inuu badalo Aabihii Axmed Diiriye oo ahaa afhayeenka beelaha Hawiye. Kooxdaas waxaa loo  sameeyey si loo dhiirigeliyo dadka Xamar deggan Axmaaradii Xamar qabsatay inay iska dulqaadaan 2006. Waxaana ay dhashay in lagu guuleystay oo ay Abaabuleen ciidan dhallinyaro ah iyo hanti lagu dagaallaamo, kadibna amxaaradii laga saaray Somaliya. Odayaasha waxaa sameeyey Cadde oo ahaa guddoomiyihii Gobolka Banadir ee xelligaas iyo RW Nuur Cadde.

Haddaba cadde oo ka hadlay xafladdan caleemasaarka ayaa waxaa uu ka digay in ay Muqdisho ku socoto xaalad adag oo nolosheeda aan lagu sii jirin isla markaana ay dhalan karto inuu mar kale dagaal sokeeye ka qarxo. Gud. Cadde waxaa uu yiri “ Habarta caanaha wadata oo laga daadiyo, Baajajka oo xabad dhuunta laga geliyo, mobilekaaga waa lagula duugaa ciidan ku yiraahdo , wiilashaadii oo adiga laguugu soo diro iwm inaan loo dulqadan Karin” Cadde oo ay ka muuqatay caro iyo xanuun xamaasad dugsan ayaa si adag ugu sheegay MW farmajo iyo Kheyre inaan sidaan wax ku sii socon Karin oo Farmaajo laga rabo inuu dadka dhibka ka dhaafo labada sano ee u dhiman.

Gud. Cadde waxaa uu yiri haddii mar kale la isku dhaco inaan mar dambe dib la isugu soo noqoneyn ee hadda ha la xalliyo inta aysan dadkaan kicin. Tan oo ah xaqiiqda dadka shacabka ah qalbigooda ku jirta una haystaan in soo celinta Farmajo inay soo waddo in dalka uu geeyo halkii uu geeyey adeerkiis Maxamed siyaad. Gud Cadde waxaa dadka iyo dawladda Somaliyeed  xusuusiyey in Farmajo adeerkiis Maxamed Siyad uu ugu goodiyey koox ganacsato reer Muqdisho ah inuu Xamar ka dhigayo sida Hargeysa oo ay dawldiisa gubtay. Hadalkaan waxaa uu caddeynayaa in Farmaajo laga sugayo inuu Xamar gubo, haddii aan laga qaban oo aan si nabad ah loogu cadaadin.Arrinkaan waa kii ay MOL ka digeysay. Fiiri maqaalkan.

Haddaba, iska indhatirka ku talagalka Farmajo iyo Kheyre  oo ah inay Xamar burburiyaan iyo ka aamusnaanta beesha caalamka waa calaamd ah inay rabaan inay mar kale Muqdisho gashaa dagaal sokeeye.

Inkastoo Guddoomiye Cadde uusan si toos ah u dhihin haddana hadalkiisu waa iska cadda oo waxaa uu si dahsoon u lahaa Kheyre iyo kooxdiisa xasilinta in magaalada oo ay rafaadiyeen laga dulqaado.