Guddoomiyihii degmada Buula-burde oo xilka laga qaaday

Reading Time: < 1 minute

Sida lady sheegay Wareegto ka soo baxday Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul goboleedka Hirshabeelle  xilka qaadis ayaa lagu sameeyay guddoomiyahii degmada Buula burte Feysal Haajir Aadan.

Dhanka kale, waxaa Guddoomiyaha cusub ee degmada Buula burte  loo magacaabay Axmed Mahad Nuur, waxaana magacaabista guddoomiyaha cusub ay imaaneysa xili labadii maalmood ee lasoo dhaafay hakad ku jireen howlahii shaqo ee degmadaasi, kadib markii uu shaqo joojin ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Hirahabeelle Yuusuf Dabageed maamulka degmada Buula burte.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xilka qaadista guddoomiyahii hore Feysal Haajir inay  isalka ku hayso khilaaf daba dheeraaday oo u dhaxeeyay isaga iyo ku xigeenadiisa walow aanan la shaacin waxa keenay khilaafkaasi ugu dambeyn sababay in xilka looga qaado guddoomiyahii degmadaasi Feysal Haajir.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!