Guddoomiye Mursal oo ay maanta hortaallo inuu Noqdo Geesi Barlamanka iyo dalkaba Badbaadiya ama Dabadhilif burburiya labadaba.

Reading Time: 2 minutes

Guddoomiye Maxamed Sheekh Mursal oo ah rug caddaa siyaasadda Muddo ku soo jiray haddana qunyar socod aan denbiyo siyaasadeed loo haysan ayaa maanta waxaa horyaalla inuu barlamanka badabaadiyo oo ku dhaqo shuruucda u taalla si dalka uu u badbaado ama inuu raaco oo uu u nuglaado  dawladda oo rabta inuu Barlamanka fowdo galo si ay u xerto Guddomiyahana shaqo la’aan iyo Sharaf la’aan u dhigto.

Guddoomiye Mursal oo aan hubo inuu qoraalkan akhrin doono ha ogaado inay taariikh qormeyso. Shalay qaab ayuu ku yimid, sabab ayaana keentay, qabkas iyo sababtaas ma dhaawaceyn si xoog leh shakhsiyadiisa bale waxay siineysay awoodda maanta uu haysto oo ay barlamanka iyo dalka badbaadadooda isaga ku xeran tahay.

Gudoomiye Mursal ha xusuusto inta badan taariikhda qofka fursad hal mar ayey siisaa haddii uusan ka fa’iideysanna dib dambe uma siisyo.

MW Anwar Asadat waxaa uu arkay fursad uusan arag Jamal Cabadal Nasir, taas oo ahayd inuu dalkiisa dagaalkii bariga dhexe uga saari karo waana ka faa’iideystay.

Haddaba guddoomiye Mursal waxaa hortimid fursad adag oo dadnimo, waddanimo iyo karti u baahan tan oo ah mid taariikhda u geli doonta inuu noqdo geesi hal adag markay waddaniyad joogto ama fulay dabadhilif ah oo aan aqoon maalinta loo baahan yahay dadnimo iyo waddaniyad.

Waxaa laga rabaa inuu sharciyada Barlamanka u yaalla wax ku dhaqo oo kaliya ee lagama rabo inuu cid su ad buriyo, kamana qarsana waxa ka dhalan kara haddii uu sharciga ka leexdo. Dalka wuxuu qarka u saaran yahay inuu faraha ka baxo oo uu xataa dib ugu noqdo dagaallo sokeeye.

Tusaale waxaa noogu filan waxa Baydhaba ka dhacaya oo runtii ah in magaalada ay dagaal sokeeye gasho laga shaqeynayo, haddii ay diidana Khasab lagu geliyo. Waxaa lagu daabulay ciidan hayb qabiil leh oo loogu talagalay inay abuuraan qas yar oo ay xabd bilaabaan si ay faraha ugu baxdo oo ay reer Badhabo u soo xusuustaan wixii lagu falay xelligii dagaallada sokeeye.

Ammaan iyo Qadarin

Guddoomiyaha Barlamnak Maxamed Sheekh Mursal waxaa uu mudan yahay in lagu aamaano go’aanka uu ka qaatay geynta ciiamada gaarka ah ee ka socda Framjo iyo Kheyre la geystay magaalda Bayhabo si loogu carqaladeeyo doorashooyinka halkaas ka dhacaya.

Dhinaca kale waxaa iyagana mudan inay fahmaan guddoomiyayaasha guddiyada joogtada ee barlamanka inay  ku bilaaban doono in la eryo guddiigii iyo guddoomiyihiin Villada warkeeda fulin waaya. Ha xusuusteen maanta Oraahda Somaliyeed ee ah “ Ninkii Qeyrkiis loo xiirayow adna qoyso”. Marka iyaga mid mid loog takhalusana waxa xigaya waa fowdo iyo in mar kale dalka uu gacanta u galo koox ciddii ay doonta disha, xerta ama masaafurisa oo u abuurta xaalad uu dalka kaga caro.

Isku duub Gudoomiye Mursal waxaa hortaalla fursaddii dalka iyo dadka Somaliyeed lagu badbaadin lahaa waana in:

  1. Dhammaan Ciidanka Beydhabo la geeyey ee beeleysan ama xataa Fedraal ah , ku khasbaa dawladda inay ka soo qaado.
  2. Guddigii Maaliyadda hawshooda loo madax banneeyo iyadoon wax isbadal ah lagu sameyn, haddii shkhsiyaad iska casilaanna la buuxiyo.
  3. In Wasaaradda Maaaliyadda baaris cad lagu sameeyo, iyadoo la eegayo inay madaxdeeda raaceen habraaca miisaaniyada ee Dakhliga iyo Kharshka la xiriirta.
  4. In Hantidhowrka la amraa inuu baaris dheeraad ah ku sameeyo wasaaradda maaliyada.

Afartaan qodob ayaa ah kuwa uu Guddoomiye Mursal ku kasban doono qiimeyn iyo qadarin qaranimo ama uu ku noqo doono dabadhilif Meesha la keensaday oo fuliya waxa ay madaxtooyada rabta oo kaliya cimrigiisana suu oo gaabto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!