Guddoomiye kuxigeenka maaliyadda gobolka Banaadir oo qarka u saaran in uu xilka lumiyo

Reading Time: < 1 minute

Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo xilka guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda gobolka Banaadir qabtay May-2019 ayaa wajahaya eed iyo cabasho gaartay madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, taas oo salka ku haysa muran u dhexeeya Ibraahim iyo guddoomiyaha gobolka Cumar Finish.

ilo kudhow gobolka Banaadir ayaa u sheegay Mustaqbal in Muranka u dhexeeya guddoomiyaha gobolka iyo kuxigeenkiisu uu ku saabsan yahay habka maamulka iyo hoggaaminta howlaha gobolka Banaadir kaddib markii uu hoos u dhacay xiriirka iyo wadashaqaynta guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka iyo guddoomiye Cumar Finish, sidaas oo kalana uu guddoomiyuhu ka gaabsaday la macaamilidda iyo xog la wadaagidda qaar kamid ah madax-waaxeedyada gobolka.

Muranka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku xigeenkiisa Maaliyadda oo gaaray madaxweyne Farmaajo iyo raisalwasaare Kheyre ayaa hadda waxa loo raadinayaa xal iyo dhexdhexaadin kusaabsan sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen

Ibraahim Dheere guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda oo safar kujooga caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug-Dhuusamareeb ayaa wada olole uu taageero uga raadinayo Odaayaasha dhaqanka iyo saaxiibadiisa siyaasadda.

Ilo kudhow dowladda hoose ee Xamar ayaa u sheegay Mustaqbal in Ibraahim Dheere taageero xooggan kahaysto xafiiska raisalwasaare Kheyre taasna waxa suuragal ah in ay adkeyso in uu xilka waayo Ibraahim Dheere.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!