Guddoomiye K/Xigeenka labaad Mudane Mahad Cawad  waa qof Ceynkee ah?

Reading Time: 3 minutes

Waa kuma Xildhiban Mahad Cabdalla Cawad? Ma aha shakhsi fahamsan seddexda mas’uuliyadood oo qofka  xildhibaanka ah saaran, waxaanu isu haystaa inuu yahay shaqaale  oo uu mar waliba wax badso ku jirto.

Qofka Xildhibaanka ah  waxaa Masuuliyad ka saaran tahay seddex arrimood:

  1. Dadkii soo dirsaday ama hala xulo sida kuweenna ama ha la soo doortee.
  2. Barlamanka uu ka tirsan yahay oo uu si caddaalad, hufnaan, karti iyo Alle ka cabsi uu ugu adeego joogtana uga qeybgalo dhammaan hawlihiisa.
  3. Iyo Qaranka uu xildhibaanka  uu ku ilaaliyo dawladda markaas jirtaa inaysan ku talax tagin awoodaha sharcigu siinayo.

Haddaba Mahad cawad oo intaan la sugaa waa calaacaal timo laga dayey.Xildhibaanku wuxuu fahamsan yahay in uu ku fadhiyo  kursi xileed oo uu ku fadhiyi doono muddo cayiman,  waxaanu u isticmaalaa si shakhsiyadeysan oo danahiisa ayuu ku fushadaa kursiga qaran iyo qof toona uguma adeego.

Xildhibaan Mahad Markasta oo ay siyaasad is diidan soo baxdo su’aasha uu is hordhigo waxay tahay sidee ayaan uga faa’ideysn karaa? Waa qof u kala dhuunta kolba kooxaha markaas is haya, waxaanu koox waliba ugu sheekeeyaa una muujiyaa inuu yahay shakhsi iyaga ka tirsan oo qeylida, feer beenaadka iyo waliba haddallada kulkulul waa kaga horreeyaa.

Tusaale cad aan ku siiyo! Xildhibaan Mahad bilihii jawaari ridka waxaa uu markii hore si xooggan ula shaqeeyey kooxda rididda Jawaari kasoo horjeedday. Kooxdaas waxay aamin sanaayeen  in haddii Jawaari la rido uu barlamanka noqonayo sida hadda uu yahay oo ah inuu ku milmo hay’adda fulinta kadibna uu noqdo shaabbad taalla labada xafiis ee Madaxweynaha iyo Kan R/Wasaaraha, kuwaas oo ay dawladdu ku dhufsato waraaq kasta oo ay iyadu qorato.

Hasa yeeshee, markii dambe  xidhibaan Mahad waxaa uu hoosta ka galay MW Farmajo iyo RW kheyre waxaanu ka dhaansaday weelkiisa oo af dhabaandhow xoogan ka dhufsaday,  lakiiin waxaa uu  Jawaari iyo kooxdooda iskaga dhigay inuu yahay dhexdhexaad. Markii uu muranka meel sare gaarsiiyey waxaa uu khiyaanay oo uu grabkiisa ka baxay mudane maxamed Sh Jawaari, waxaanu kula taliyey inuu iska tanasulo maadaama ay meel xun gaartay. Jawarina sidaas ayuu bustihiisii ku sii qaatay oo bannaanka u hoyday, Kheyre iyo Farmajana ay ugu waajibtay mashqaayaaddii lagula heshiiyey jawaari-ridka.

Warbixinta guddiga Maaliyadda ee taagan.

Maadama odayaashii kale ay maqan yihiin fursaddan sidee ayuu uga macaashaa ayuu is weydiiyey Xildhibaanku?  Markii warbixinta la soo qoray ee loo keenaay waxaa uu diiday inuu guddiga joogtada ah fadhiisiyo si ay uga doodaan, wuu baal marsiiyey guddigii joogtada ahayd waxaanu si ku talagal ah ugu soo daray ajendaha warbixintii uu ogaa inay dab shidi doonto, isagoo amray in xildhibaanada loo qeybiyo. Markii la akhriyey waxaa cabaad iyo canaan ka soo yeertay Madaxtooyada oo waxaan ogayd balsa indhana ka qarsaneysay isna lahayd barlamaanka ma gaari doonto oo odayaasha halkaas idiin jooga ayaa hor joogsan doona. Cirkey isku shareertay!!

Kheyre iyo Beyle waxay ku yiraahdeen war waa maxay waxan aad nagu sameysay ma waxaaad rabtaa inaad naga ciideyso inta ka dhiman labada sano ee noo hartay?.

Mahad oo farsamada yaqaanna waa is calool xumeeyey waa la ooyey odayaasha. Bal saacado isiiya ayuu ku yiri, wuxuu shir gaar ah oo saacado socday la galay koox uu is lahaa waxbaa lagula heshiin karaa oo lagu kala jebin karaa guddiga maaliyadda. Kooxdan oo uu u bandhigay inuu hagaajin doono haddii ay magcyada u yeeriyaan kadibna u saxeexaan, iygoo ku doodaya inaysan joogin goobtii lagu gudoonsaday ee lagu qoray, laguna tifaftiray warbixinta . Waxaa la siiyey oo halkaas lagu qoray magacayada, Iska si fiiri maagacyada hal qof ayaa wada qoray, waana hal qalin, waana la wada saxeexay.

Xildhibaan Mahad oo ordaya ayaa kheyre u tagay kuna yiri waa adag tahay in wax laga qabto masa ogi haddii jeebka wax loo geliyo koox diida ayaan u maleynaayaa in halkaas laga heli karo. Kheyre oo jareynaya ayaa ag dhigay boorso ay wax ku jiraan. Waqti yar kadib waxaa loo yeeray raggii la soo ballamiyey oo gaaja badan ay ka muuqatay waxaana laga safay min $5000, taas oo aad ula weynaatay intii hartay oo la hubo inay labaatan kun ka badneyd  waxaa faraqa ku laabtay Xiddhibaan Mahad Cawad Cabdalla.

Kadibna Guddoomiye ku xigeenku waxaa uu sameeyey wixii ay shacbiga la yaabeen oo wali MOL ay baaris ku waddo sharcinimadeeda waa TUURISTII WARBIXINTII OO DHAN.

Intaa sheekada kuma eka waxaa Mudane Cawad u muuqatay fursad kale oo uu shalay, maanta iyo caawa karis ku hayey waxay tahay in Oday Beyle iyo Kheyre keenaan kharashkii lagu kala diri lahaa guddiga maaliyadda, si aysan warbixintaan u soo noolaanin, waaba haddey dhimataye iyo in Barlamankaa shirarkooda la baajiyo oo laga ilaaliyo inay isaga ku buuqaan, kuna qabsadaan xadgudubkii sharcidarrada ahaa ee uu ku kacay.

Waxaa suuragal ah in barlamanka la wada xero si looga ilaaliyo inay soo hadal qaadaan warbixintaas. mudane Mahad Cabdalla Cawad waa kaas ee shacbiyow barta.

MOL  oo uu waraaq ka qoray maaha warbaahin ganacsi ee waa mid waddai ah waxay leedahay Xildhibaanku iydoon xanaf lahayn ha ku mashquulo hawsha faraha badan ee dayacan ee u taalla halka uu ku mashquuli lahaa warbaahinta Muqdisho.online oo muddada yar oo ay jirtay noqotay codka kuwa aan codka lahayn, inahaha kuwa aan wax arag, awoodda kuwa tabarta darran, waana codka kaliya ee aan la iibsan, lana iibsan Karin.