Reading Time: 2 minutes
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
307 days
01 hours
49 minutes
23 seconds

Gudoomiyaha gudiga midowga afrika Moussa Faki Mahamat  ayaa lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay musuqmaasuq iyo in uu ku tagri falay awoodda xafiiska.

Guddoomiyaha ayaa lagu eedeeyay eedeymo dhowr oo ay ka mid tahay in uu lacag laaluush ah ka qaatay maamulka Madaxweyne Farmaajo isagoona markaa ogolaaday in ciidamda Itoobiya ku xasuuqeen dad shacab ah magaalada Baydhabo bishii Desember ee sanadkii 2018.

Eedeymaha ayaa lagu sameeyay qoraal isdhaafsi ah oo ay ilo wareedyo dhowr ah la wadaageen Muqdisho Online, balse ay naga codsadeen in aanan daabicin nuqulada emailada eedeeymaha ah ee loo jeediyay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika.

Nuqulada aan helnay oo ku taariikheysan Bishan Maarso 7 2020, ayaa waxaa eedeymaha loo jeediyay Moussa Faki ku saxiixan Madaxa Shaqaalaha Midowga Afrika Sabelo Mbokazi.

Howlwadeenada Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in aay walaac weyn ka qabaan qaabka maafiyanimada ah ee uu xafiiska u isticmaalayo Guddoomiyaha Ururka iyagoo sheegay in haddii aanan tallaabo degdeg ah laga qaadin uu ururka weyn doono kalsoonida dalalka Afrika ee ku bahoobay Midowga Afrika.

Nuqul ka mid ah emailada eedeymaha ah ee loo jeediyay Moussa Faki ayaa la sheegay in laba jeer uu lacago aan la sheegin cadadeeda uu ka qaatay Safaaradda Qatar ay ku leedahay magaalada Addis Ababa xilli uu magaalada safar ku joogay Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yasin.

Dowladda Qatar ayaa iska fogeysay eedeymahaas waxayna email jawaab ah oo aay u soo direen ururka Midowga Afrika aay ku sheegeen in Dowladda Qatar aanay siin wax lacag oo laaluush ah Guddooiyaha, balse waxay sheegeen in Moussa uu ka mid yahay saaxiibada ay Qatar ku leedahay Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here