Guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo Xilkii laga qaaday

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Xilka ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Faraweyne Iyadoo xilka loo magacaabay Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir)

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in arintaan ay ka qeyb ka tahay dardargelinta howlaha maamulka, waxaana uu sheegay in guddoomiyaha cusub uu la yimaado isbadel.

Waa guddoomiyihii afaraad oo madaxweyne Gaas gobolka Nugaal uu u magacaabo,
tan iyo markii uu xilka la wareegay sannadkii 2014, waxayna ahaayeen, Cabdiqani
Xaashi Bubmo, Cabdulaahi Ciise Aw-Aadan, Cumar Faraweyne iyo guddoomiyaha
cusub ee la magacaabay.

Xilkaan ayaa loo magacaabay Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu
badalidoonaa guddoomiyaha xilkaan ka dagidoona Cumar Cabdulaahi Farawayne,
kaasoo saddexdii sano ee ugu dambeysay ahaa guddoomiyaha gobolka Nugaal.