Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Somalia

Reading Time: < 1 minute

Safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Mehmet Yilmaz ayaa Xafiiskiisa ku Qaabilay Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiye Finish iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa Mashaariicda kala duwan ee lagu Horumarinaayo Bilicda Caasimadda Gaar ahaan Dib udhiska lagu sameynaayow Waddooyinka Muqdisho.

Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ah laba dal oo Wadaallo ah.

“Waxaa maanta Kulan Laqaatay Safiirka Dalka Turkiga ufadhiyo Soomaaliya anagoo kawada hadalnay Xoojinta Xiriirka Labada Dal ee Walaalaha ah iyo Sii wadida Taageerada iyo Garab istaaga Dowlada Hoose ee Xamar”ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Safiirka dalka Turkiga uga mahaceliyay sida wanaasagn ee uu u soo dhaweeyay,isla markaana waxaa uu Safiirka balan qaaday inuu la shaqeyn doono Guddoomiyaha Gobolka.