Guddoomiyaha degmada Garbahaarey oo xilka iska casili doono hadii…….?

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo garaaya degamada Garbahaareey,  Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey Xasan Sheekh Cilmi ayaa sheegay in uu xilka wareejinayo sabab la xiriirta sidii loosoo afjari lahaa muranka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka & DG Jubbaland.

Warka ayaa intaas ku daraya Guddoomiye Xasan waxa uu tilmaamay in marka uu la kulmo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddiga loo xilsaaray xal u helista Garbahaarey si doorashada nabadgalyo uga dhacdo uu xilka wareejin doono.

“Maayarka la badalayo aniga weeye, si ay u sahlanaato qabsoomidda Doorashooyinka ee heshiisyada nuucyada badan laga gaaray waxa aan diyaar u ahay in aan wareejiyo xilka Guddoomiyaha Degmada Garbahaarey” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Garbahaarey.

Xasan Sheekh Cilmi Guddoomiyaha Garbahaarey waxa uu shaaciyay in uu ka fogaanayo dib u dhac dhanka Doorashooyinka ah iyada oo la xalin karo caqabadaha & is qabqabsiga siyaasadeed ee Taagan.

“Wax dad qancin ah kama raadinayo in aan xilka wareejiyo, ujeedada aan ku qancay ayaa ah in Doorashada xiligeeda ay ku dhacdo, maadaama aan fiiriyay dhibaatooyinka dalka uu ku jiro waxa aan go’aansaday in aan tanaasulo” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Sheekh Cilmi.

Ugu danbeeyntii khilaafka Dowladda Federaalka & DG Jubbaland ee Gobolka Gedo ayaa xoogeystay 2021 gaar ahaan Janaayo, Febaraayo & Maarso, waxa uu gaaray in dagaal toos ah uu dhexmaro Ciidan DFS ka qaaday Muqdisho & kuwo la socday Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo Dowladda Federaalka isku dhiibay 24-kii Maarso 2021.