Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay is badal hoggaanka ah, xilli la filayo in dhawaan dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo furay Kulanka Maanta ee Aqalka Sare ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay doortaan madaxweyne samata-bixin kara xalaadda adag uu dalka galay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in uu weli aaminsan yahay in qabiil aan dowlad lagu noqon Karin, hayeeshee dowladnimo ay rabto siyaasad iyo aqoonyahan dalka samatabixin karta ayna soo saarayaan Guddi ka Shaqeeya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kusoo beegmaya xilli ay geba-gabo mareyso doorashada, isla markaana kaliya ay harsan tahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliy