Guddoomiyah Baarlabaanka oo shir jaraa’id ku qabtay hotelka uu degan yahay (Deg Deg)

Reading Time: 2 minutes

Gud. BJFS Maxamed Mursal oo daqiiqado ka hor ku qabtay shir jaraa’id hotelka uu ka degan yahay magaalada Muqdisho, ayaa ugu baaqay in xukuumadda ay faraha kala baxdo faragelinta ay ku hayso doorashada Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha aya sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah xorriyadiisa loogu soo celiyo Mukhtar Robow loona ogolaado in uu dib ugu noqdo degaanada laga soo xiray si uu uga qeyb galo tartanka doorashada.

Gud. Mursal aya sidoo kale sheegay in ay habboon tahay in la ilaaliyo sharciga, wuxuuna sheegay in aanay jirin cid ka weyn sharciga. Gud. Mursal aya sheegay in xukuumadda ay ku hayso xildhibaanada caburin iyago loo diiday in ay u soo gudbaan halka uu degan yahay si u sii wadaan howl maalmeedkooda, Guddoomiyaha aya sheegay in aanan loo dulqaadan karin in la xanibo xildhibaanada, waxaana uu sheegay in xildhibaanada ay xaq u leeyihiin la xisaabtan iyo korjoogteyn, balse wuxuu yiri in la afduubo golaha sharci dejinta ma aha mid aan yeeleyno mooshinka ka yaalla eedeysane Maxamed Farmaajo waan ka howl galeynaa sida ugu dhaqsaha badan.

Xaaladda siyaasadda Soomaaliya aya sii cakirmeysa maalin walba, waxaana gebi ahaanba joogsaday adeegyadii xukuumadda iyo tii baarlabaanka, xilli uu faraha kasii baxay amniga dalka guud ahaan, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!