Guddigii Maaliyadda oo lakala diray. Muxuu ku bedeshay Gud. Mursal (Xog & Caddeyn)

Reading Time: 2 minutes

Waxaa caawa saqdii dhexe lakala diray guddigii maaliyadda ee BJFS, kaasoo soo saaray warbixinadii shaaca ka qaaday dhaca iyo boobka xukuumadda ay ku hayso hantida qaranka. Guddiga ayaa warbixino dhowr ee uu ka helay hanti dhowrka qaranka waxaa ay bannaanka keentay in Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo RW Xasan Cali Kheyre ay lunsadeen adduun ka badan $42 Milyan oo dollar.

Haddaba sida ay u xaqiijiyeen howlwadeenno ka tirsan xafiiska guddoonka Baarlabaanka, waxaa Gud. Maxamed Mursal uu ku bedeshay kala diridda guddiga maaliyadda iyo ka noqoshada mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmajo

  1. Waxaa uu qaatay adduun dhan $2.000.00.000 (Laba Milyan oo doollar)
  2. Waxaa loo magacaabayaa jago sare lataliyihiisa Cabdulqaadir Maxamed (Jaamac) oo hore xilka taliye xigeenka NISA looga qaaday kaddib markii uu lunsaday mushaarkii ciidanka NISA muddadii uu ahaa kusimaha.

Waxaa laga soo buuxiyay guddiga cusub ee uu soo magacaabay Gud. Mursal dhammaan intii taagersaneyd xukuumadda oo qaab qabiil ah aad mooddo in lagu soo xulay.

Tani waxay markhaati ka tahay in gebi ahaanba si dadban loo kala diray Baarlabaanka JFS si loo xalaaleysto xatooyada iyo boobka lagu hayo hantida qaranka.

Maamulka MW. Farmaajo u baahna mooshin ee wuxuu u baahan yahay kacdoon shacab iyo bannaanbaxyo nabadeed oo dalka laga abaabulo. Haddii aanay taa dhicin, waxaa hubaal ah in dalka lagu qabsan doono ciidamada shisheeye ee la qorsheeyay in ay dalka soo galaan horraanta sanadkan.