Guddigii Doorashada Somaliland ayaa Talaxumada iyo Degdegga RW Rooble u kala Jebisey Laba Guddi.

Reading Time: < 1 minute

Garabkii kale ee maanta laga tashaday ee Gud. Cabdi Xaashi ayaa iyagana tashaday, waana nasiib xumo iyo talaxumada RW Rooble oo u degdegay fashilka isagoo og inay sidaan ku dhammaan karto, dhegahana ka fureystay talooyin dhowr ah oo la sheegay inay meelo kala duwan oo ay Beesha caalamka ku jirta uga yimideen.

Afartii hartay oo ka mid ah guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ayaa iyagan doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku-xigeen ka dib markii maanta guddiga doorashooyinka garabka Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay doorteen guddoon cusub.

Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga maamulaya xulista kuraasta gobolada waqooyi ayaa mar kale gudoomiye u doortey Suleyman Caydiid Cismaan, halka ay ku xigeenkana u xusheen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Talaabadan waxay u muuqataa mid ay uga jawaabayaan coddeynta Sabtida maanta ah ka dhacdey Teendhada Afasiyooni ee xukuumada xil-gaarsiinta, gaar ahaan RW Rooble iyo guddiga doorashooyinka heer federaal ay garwadeenka ka wada ahaayeen.

Khadar Xiriir Xuseen ayaa loo xushay guddoomiyaha guddiga ee garabka Mahdi Guuleed, halka Najiib Xuseen Samatar uu kusoo baxay ku xigeenka kadib markii uu ka adkaadey Amaal, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka heer federaal.

Dhinaca Cabdi Xaashi ayaa kaliya guddiga ka ah afar xubnood. Wallow Guuleed qudhiisa uu haysto afar xubnood, haddana waxaa u wehliya saddex kale oo Rooble soo magacaabay kuwaasoo ah xubno dhinaca Farmajo laga keenay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!