Guddigii  baarlamaanka u xilsaaray dadkii lagu xasuuqay  Galkacyo oo maanta gaaray deegaankaas

Reading Time: < 1 minute

Wafdigii loo xilsaaray baaritaanka xasuuqii Galkacyo oo  ka kooban labo gudi oo ka kala socoda Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta gaarey magaalada Gaalkacyo.

Labada Gudi ayaa waxa hogaaminta Xildhibaan Ali Axmed Jamac (Jangali) oo ka mid aha xildhibaanada golaha shacabka oo hogaaminaayo xubno 13 xildhibaan ah oo uu dhawaan magacabay Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS iyo Wasirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonur Galbeed Mudane Maxamed Xuseen Xasan oo uu hogaaminaaya xubnaha gudiga oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxaweynaha Koonfur Galbeed Somalaiya.

Gudigaan ayaa waxa ay baari doonaan kana shaqeeyn  baaritaan iyo raadinta dhacdadii dad shacab ah lagu dilay dhawaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb.