Guddomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo la doortay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada heer federeaal ayaa goordhaw doortay guddomiyaha cusub ee guddigaasi, kadib markii dhawaan shaqada laga joojiyay guddoomiyihii guddigaasi oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo cadaalad daro.

Guddomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafadaka doorashada ayaa loo doortay mudane Maxamed Cawil Warsame ,kadib markii uu doorashada ka tanaasulay musharaxii kale ee la tartamayay.

Masuulkan loo doortay guddomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa taageero badan ka helayay xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaashii hore ee guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafadaka doorashada heer federaal ayaa daacad u ahaa Villa Soomaaliya, waxaasa hada muuqata in hogaanka cusub ee guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ka shidaal qaadanayaan xafiiska Rooble.

Tani ayaa ka dhigan inuu markale ra’iisul wasaaru hantiyey Guddoonka Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo muhiim u ah doorashada haatan ka socota dalka, waana guddiga kaliya ee go’aanka ka gaarayo kuraasta ay cabashada ka timaado ka hor doorashada ama kadib.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay doorashadan ayaa isla-markiiba u hambalyeeye guddoomiyaha cusub ee la doortay.

“Hambalyo Gudoomiyaha cusub ee guddiga Xalinta Khilafaadka Doorashooyinka Md Maxed Cawil Warsame,” ayuu yiri Al-Cadaala oo ka mid ah xubnaha ku dhow ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Doorashadiisu waa talaabo wanaagsan oo kaalin wayn ku leh ilaalinta Hufnaanta Doorashada,”.