Guddiga Xalinta khilaafaadka oo noqday aalad lagu sharciyeyo boobka doorashada

Reading Time: < 1 minute

Gudiga Xallinta Khilaafaadka  oo  uu sameeystay Farmaajo ayaa noqday gudiga loo isticmaalo in lagu sharciyeeyo boobka kuraasta doorashada. Musharaxiinta dacwada qaba ayaa laga rabaa in ay bixiyaan  $3,000  (sadax kun) oo doolar oo diwaan galin ah, taas ujeedada laga lahaa ay tahay in musharaxiinta dacwada qabaa  ay ku dhiiran diiwan galinta dacwadooda.

Hadaba gudigaaan ayaa ugu baaqay musharaxiinta Barlamaanka in wixii tabasha ah ee ay qabaan u soo gubiyaan Guddiga iyadoo guddigu ka jawaabay eedayn Midowga Musharaxiinta ujeediyeen guddiyada doorashada, taasi oo ku saabsan in kuraasta la boobayo

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka Maxamed Ibraahim.Barre ayaa tilmaamay in musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

“Musharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshada”. Ayuu yiri Mudane Maxamed Ibraahim Barre.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!