Guddiga Maaliyadda ee BF oo soo saaray warbixin ku saabsan Miisaaniyadda DF iyo dhaliilaheeda

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo aad loo wada ogyahaybeenta joogatada ee ay Madaxda Sare isaga marqaati kacdo ayaa guddiga Maaliyadda Golaha Shacbiga ay soo saareen warbixin caddeyneysa xaalka Maaliyadeed ee misaaniyadda dalka.

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda iyo Qorsheynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda isagoo tixraacayo qodobada 2aad, 68aad iyo 70aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka, iyo qodobka 7aad ee qaraarkii golaha shacabku meel mariyey 14/11/2018 iyo Sharciga Maamulka Maaliyadda Qaranka Lm 2, ee 1961.

Guddigu isagoo gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah ee ku aadan hawlaha maaliyadda dalka, kor joogtaynta iyo la xisaabtanka hay’adaha dawladda, wuxaa uu si dhow ula socday habsami u socodka meel marinta Miisaaniyadda 2018, laga soo bilaabo bishii Janaayo ilaa Agoosto 2018. Guddigu isaga oo mar walba ka helaya xogta xisaabtaadka iyo baarista maaliyadeed xafiiskayada kala ah. Xisaabiyaha Guud iyo Hantidhowrka Guud.Halkaan ka akhriso warbixintii oo dhameystiran.

[su_document url=”http://46.101.175.207/wp-content/uploads/2018/11/War-Bixinta-Guddiga-Maaliyadda-2018.pdf”]