Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo kulamo ka wadda Garowe

Reading Time: < 1 minute

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka oo howla shaqo u joogo magaaladda Garoowe ayaa manta waxa ay la kulmeen Ururadda bulshada rayidka ah ee ka jira Maamul Goboleedka Puntland.

Kulanka uu guddiga la yeeshay ururada Bulshada rayidka Puntland ayaa ahaa sidii uu uga dhageysan lahaa talooyinkooda ku aadan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Ururada bulshada rayidka ah ee ka jira Puntland ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka usoo bandhigay aragtiyadooda la xariira sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Guddigga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga Doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji ayaa kaga mahadceliyay Ururada bulshada rayidka Puntland sida wanaagsan oo ay guddiga ugu soo bandhigeen talooyinkooda ku salaysan Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee waqtigaan diyaarintiisa gacanta ku hayaan guddigaan KMG ah ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeeyntii kulanka uu guddiga la yeeshay ururada bulshada rayidka ah ee ka jira maamul goboleedka Puntland ayaa kusoo dhammaaday si wanaagsan.