Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal oo doortay Guddoomiye KMG ah.

Reading Time: < 1 minute

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa Guddoomiye KMG ah u doortay Muuse Geelle Yuusuf si howlaha Doorashooyinka uu u bilaabo Guddigaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in iyada oo la dardargelinayo howlaha horyaalla ee hirgelinta Doorashooyinka in uu shaqadiisa bilaabay si aanay waqti badan u qaadan doorashada Guddoomiyaha & ku xigeenkiisa rasmiga ah.

Guddoomiye Muuse waxa uu dhisay Guddi ka kooban Shan Xubnood, waxa uu qabanayaa areejida shaqsiyaadka ku tartamaya hoggaaminta oo la dooranayo 4-ta July 2021 oo ku beegan Maalinta Axadda.

Howsha Guddigaan ayaa ah diyaarinta & Hirgelinta doorashooyinka Xildhibaannada & Senatarada BFS oo marka la dhaariyo Mudanayaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ka wareegeyso mas’uuliyadda saaran.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!