Guddiga Doorashada oo ku dhawaaqay buuxinta Kursigii uu iibsaday Wasaiir Jamal M

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Doorashada Qaranka ayaa maanta soo saaray qoraal oo ku sheegeen buuxinta kursi uu iska casilay Xildhibaan Golaha Shacabka. Xildhibaankan oo ay isku beel yihiin Wasiirka Qorsheeynt Qaranka Jamal Maxamed Xassan ayaa horay loo shaaciyay in uu kursigaas iibsaday.  

Kursigan lagu sheegay in  uu ka banaan yahay Golaha shacabka ayaa waxaa 6-dii bishan September iska casilay Xildhibaan Daahir Cali Faarax oo loo yaqaano Dhahar. Wasiir Jamal oo ka tirsan Xukumadda Xassan Cali Kheyre oo sheegto in ay ka hortageyso Musuq-maasuqa ayaa kursiga ku iibsaday lacag gaareysa $225,000  oo la siin doono xildhibaankii hore Daahir Cali Faarax. Waxa qorshahan qayb wayn ka qaatay RW Kheyre oo doonayaayo in  uu ka hortago qorshaha Golaha Baarlamaanka oo dhawaan la filaayo in uu mooshin ka keeno RW Kheyre. Waxaa nasiib xumo ah in RW Kheyre lacag intaa la eg ku bixiyo iibsashada kuraasta baarlamaanka Soomaliya iyada oo mushaar loo la’yahay ciidanka amniga.

halkaan ka aqriso qoraalkii Gudiga Doorashda