Guddiga doorashada oo dharbaaxo culus ku dhuftay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa laalay doorashada laba kursi oo ka mid ah golaha shacabka, oo ay sheegeen in habkii loo maray aysan waafaqsaneyn habraaca doorashada loo dajiyey.

Labada kursi ayaa kala ah HOP#103 oo ah kursigii uu horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo kursiga HOP154, oo ay ku fadhisay Sareeda Maxamed Cabdalla oo ayadu markale difaacatay kursigan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!