Guddiga Doorashada Heer Federaal oo ku dhawaaqay Doorashada Gudoomiye cusub (Guddi la magacaabay)

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Doorashada Heer Federaal ayaa iska dhex dooranaya guddoomiye cusub, kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay inuu ku xirnaa Villa Somalia.

Qoral kasoo baxay Guddiga ayaa lagu magacaaabay shan xubnood oo ah Guddi qabanqaabinaya Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee FIET.

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna siihayaha xilka Gudoomiyaha Guddiga Mowliid Mataan Salaad ayaa xubnaha soo socda u magacaabay qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha:

1- Axmed Aadan Dagaal

2- Yuusuf Maxamed Kheyr

3- Saclido Maxamed Mucid

4- Faadumo Maxamed Cabdullaahi

5- Sacild Abshir Cilmi