Guddiga doorashada dadban ee Puntland oo laga sugayo lixdii kursi ee u dambaysay

Reading Time: < 1 minute

Guddiga hirgelinta doorashada heer Puntland ayaa laga sugaya in ay shaaciyaan doorashada lixdii kursi ee u dambaysay golaha shacabka. Doorashada lixdaas kursi ayaa lagu wadaa in ay Garoowe ka qabsoonto todobaadka soo socda.

Kursiga Hop#199 ee laga soo doorto Gobolka Mudug oo ay u sharraxan yihiin dad kala duwan ayaa ugu hadal-hayn badan kuraasta harsan. Dowladda ayaa doonaysa in kursigaas Hop#199 shakhsi gaar ah loo xiro balse isinka Beesha ayaa raba in lagu tartamo Guddiga ayaa horay u qabtay doorashada 31 kursi oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee laga. soo doorto Puntland.