Guddiga dhismaha golayaasha deegaanka khilaafka ka dhashay oo la kala diray

Reading Time: < 1 minute

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa kala diray guddi qaabilsanaa dhismaha golayaasha degaanka maamulkaas kadib markii khilaaf kala dhexgalay guddiga.

Wareegto ka soo baxday wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Galmudug ahna ku-simaha wasiirka ayaa lagu kala diray guddiga farsamada dhismaha golayaasha degaanka degmooyin ka tirsan Galmudug.

Kala dirista guddiga ayaa loo cuskaday kadib markii uu dhammaan waayay khilaafka dhex-dooda ah kaas oo ku salaysan hannaanka loo marayo dhismaha golayaasha degaanka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!