Guddiga Arrimaha Dibadda BJFS oo amray Wasiir Cawad in la baaro maqaalkii ay qortay NY Times

Reading Time: < 1 minute

Warqad uu qoray Guddoomiyaha guddiga arrimaha Dibadda BJFS oo ay heshay MOL aya waxaa lagu faray Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS Axmed Ciise Cawad in uu jawaab waafi ah ka bixiyo maqaalkii ay qortay Jariidada NY Times ee ka soo baxda dalka Mareykanka

Warqadda aya si adag loogu faray Wasiir Cawad in uu baaritaan furo si loo ogaado xaqiiqda dhabta ah in Safiirka Qatar ee Soomaaliya uu ku lug lahaa qarax ka dhacay magaalada Boosaaso.

Wasiirka oo wareysi siiyay maalmo ka hore idaacada VOA ayuu ku sheegay in dowladda Somalia ay ku qanacsan tahay jawaabti ay bixisay dowladda Qatar, iyadoo aan wax baaritaan ah la sameyn isla markaana aan la helin xog sax ah in Qatar ay ku leedahay qaraxyada ka dhaca Soomaaliya aya wasiirka waxaa uu difaacay dowladda Qatar, wuxuuna beeniyay qoraalka NY Times, xilli ay dowladda Qatar sheegtay in ay baaritaan sameyneso isla markaana ay caddeysa in safiirkooda Soomaaliya iyo masuul kale ay yihiin codka la helay.

Lama oga in uu wasiirka u hoggaansami doono awaamiirta la dul dhigay ee ah in uu baaritaan furo jawaab sax ahna ka bixiyo falka lagu soo eedeeyay dowladda Qatar.