Guddiga 33 ah ee SSC ayaa ku dhawaaqay go’aan culus oo ku aadan isu socodka ganacsi ee Somaliland iyo deegaannada kale ee Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan deegaanka SSC.
Xubno kamid ah Guddiga 33 ah ee SSC oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa sheegay in gabi ahaanba ay joojiyeen in wax ganacsi ah oo ka yimid dhinaca maamulka Somaliland uu soo galo, ama mid u socdaa ka gudbo deegaannada SSC-KHAATUMO, laga bilaabo 15 bishan April.
Guddiga ayaa sheegay in go’aankan ay u qaateen kaddib duullaanka maamulka Somaliland ku hayo deegaanadooda, gaar ahaan Laascaanood iyo madaafiicda aan loo meel dayin ee uu la dhacayo maatada, xarumaha danta guud iyo guryaha rayidka ee magaalada.
“Laga bilaabo 15 bisha Afaraad, 2023 maamulka SSC wuxuu joojiyay dhammaan ganacsigii ka dhexeeyay Somaliland iyo SSC. Waxaa reeban wax ganacsi ah nooga yimaado dhinaca maamulka Somaliland, sidoo kalena mid ku socdaa ka gudbo deegaannada SSC-KHAATUMO”. Ayay ku shegeen shirkooda Jaraa’id
Ciidamada SSC ayaa la faray inay u diyaargaroobaan fulinta go’aankan. Waxaana ay ugu baaqeen ganacsatada in ay ka faa’ideystaan mudada la siiyay ee 6 maalmood ah.
Sidoo kale, Guddiga 33 ah ayaa mamnuucay in wax Hay’ad ah oo fadhigeedu yahay Somaliland, aysan imaan karin, kana howlgali karin deegaannada SSC.
“Hay’ad alaale Hay’addii ka imaanaysa min Kismaayo oo ugu shisheysa ilaa iyo Boosaaso intay ugu baaleyso waa ka howlgali karaan, laakiin deegaannada Hargeysa, Burco, Berbera, Gabiley iyo Boorame Hay’addaha fadhigoodu yahay ma imaan karaan deegaanka”.